Nin gudbiyay warbixin ahayd in xaaskiisa la afduubtay oo la xiray

0
197

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in la xiray eedeysane lagu magacaabo Brian Andore.
9-kii bishan ayay ahayd markii uu saldhigga booliiska ee Kitsuru uu u gudbiyay warbixin ah in la afduubtay xaaskiisa Mercy Awuor.
Waxaa uu xilligaasi sheegay in Mercy ay afduubteen dad aan haybtooda la aqoon oo u ballan qaaday in ay shaqo siinayaan balse dalbanayay lacag madax furasho oo dhan 150,000 oo shilin.
Laamaha ammaanka ayaa 13-kii bishan soo xiray Chiranzi Tsuma Mbaru oo lala xiriiriyay falkaasi.
Waxaa la soo tabiyay in taleefoonka tuhmanaha loo adeegsaday in lagu dalbado lacagta madax furashada ah.
Hasa ahaate, waxaa markii dambe soo baxday intaasi ay been ahayd.
Laamaha ammaanka ayaa xusay in Brian loo haysto inuu gudbiyay warbixin been abuur ah taasi oo baalmarsan xeerarka dalka.

https://x.com/NPSOfficial_KE/status/1857878973167923652