Aqalka sare ee dalka ayaa billaabay baaritaanno ku aadan wadashaqeyn dhexmartay maamulka caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHA iyo shirkadaha caymiska gaarka ah, taas oo ku saabsan dhaqaale dhan 6.3 bilyan oo shilin oo qandaraas caafimaad ah taasoo lala galay adeegga qaran ee booliiska ee (NPS).
Baaritaannadan ayaa daba socota warbixinnada sheegaya in dib loo dhigay ama loo diiday magdhowga la siinaya askarta booliiska ee ku dhaawacmay gudashada waajibaadkooda, sida ku cad qandaraaska u dhexeya adeegga NPS iyo sanduuqii hore ee caymiska caafimaadka ee (NHIF).
Guddoomiyaha guddiga adeegga qaran ee booliiska ee (NPSC) Eliud Kinuthia ayaa caddeeyay in tiro yar oo booliis ah la siiyay magdhow, iyadoo qaar loo diiday ama dib loo dhigay.
Waxaa uu sheegay in caymiskii hore ee NHIF uu iska indho tiray cabashooyinka saraakiisha booliiska ee la xiriira in magdhow la siiyo marka ay waxyeello soo gaarto xilliyada ay wajibaadkooda gudanayaan.
Eliud Kinuthia ka soo hor muuqday guddiga difaaca amniga iyo xiriirka dibadda ee aqalka sare ee dalka, ayuu a shaaca ka qaaday in adeegga qaran ee booliiska uu qandaraas la saxiixday caymiskii hore ee NHIF si magdhow caafimaad loo siiyo saraakiisha booliiska ee ku soo dhaawacmay xilliyada shaqada.