Xoghayaha waaxda adeegyada jinsiyadeed ee dalka Julius Bitok ayaa si rasmi ah ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta uga daahfuray diiwaangelinta shacabka ee la xiriirta aqoonsiga dhijitaalka ah .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in la bartilmaameedsanaya in ka badan 900,000 oo ah ardayda sanadkan sameynaya imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiga sare ee (KCSE) guud ahaan waddanka.
Tani ayaa qayb ka ah qorshaha ay dowladdu ku wanaajinaysa geeddisocodka ay ardayda ugu biiraan jaamacadaha iyo machadyada farsamada.
Bitok ayaa tilmaamay in aqoonsiga dhijitaalka ah ee Maisha Card uu ardayda ka caawinaya in ay helaan tacliin sare iyadoo aynan caqabad ku noqon in aynan haysan dokumeentiyada aqoonsiga.
Kaarka Maisha Card oo ay dowladdu soo saartay sanadkii hore ayaa loogu talagalay inuu shaqeeyo muddo toban sano ah wuxuuna noqonaya dokumeenti rasmi ah oo qofka lagu aqoonsan karo.
Ujeeddada arrintan laga leeyahay ayaa ah in meesha laga saaro aqoonsiyada kala duwan ee ay sitaan kenyaanka si loogu fududeeyo helidda adeegyada dowladda.