Waxaa uu qorshuhu yahay in 21-ka bishan uu madaxweynaha dalka William Ruto si wadajir ah ugu khudbeeyo xildhibaannada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare.
Waxaa uu abaare 2:30 galabnimo ee maalinkaasi oo ku beegan Khamiista soo socoto uu diiradda saari doonaa waxyaabaha u qabsoomay maamulkiisa.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa xaqiijiyey in hoggaamiyaha qaranka uu khudbad jeedin doono markii saddexaad tan iyo xilligii la doortay.
Dastuurka dalka ayaa qabo in madaxweynaha uu sanadkiiba hal mar ah uu khudbadiisa ku soo bandhigo kal-fadhiga iskudhafka ah ee xildhibaannada iyo senatarrada.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo baadariyaasha kaniisadda Catholic-ga ay shalay dowladda ku dhaliileen in aynan kenyaanka u oofin waxyaabihii ay ballan qaadday.