Hay’adda xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in barakicinta qasabka ah ee ay Israa’iil ka wado gudaha Qaza ay u dhiganta dembiyo dagaal.
Warbixinta waxaa ku cad in ciidamada militariga ee Israa’iil ay si ulakac oo joogto ah ay u abuurayaan caqabad ah in shacabka Qaza aynan dib ugu soo laaban guriyahooda laga barakiciyay.
Human Rights Watch ayaa xustay in saraakiisha Israa’iil ay burburiyeen inta badan ilaha biyaha , faya dhowrka , isgaarsiinta , tamarta iyo kaabayaasha gaadiidka ee Qaza.
Waxaa sidoo kale burburay isbitaallada iyo dugsiyada.
Nadia Hardman oo warbixintan daabacday ayaa warfidiyeenka u sheegtay in Qaza hadda laga dhigay meel aan lagu noolaan karin.