Israa’iil oo lagu eedeyay in ay dishay 20 ka mid ah shaqaalaha gargaarka

0
138

Hay’adaha samafalka ayaa sheegay in muddo bil ah ay ciidamada militariga ee Israa’iil dileen in ka badan 20 ka mid ah shaqaalaha gargaarka.
Dilalkan ayaa ka dhacay Qaza oo ka tirsan dalka Falastiin.
Howlwadeennada ay Israa’iil dishay waxaa ka mid ahaa 4 u shaqeynayay hay’adda samafalka ee Ox fam oo ku safrayay baabuur la aqoonsan karo.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, duqeymaha militari ee ay Israa’iil weli ka wado gudaha Qaza waxaa lagu dilay in ka badan 43,712 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 103,258 kale.