Ugu yaraan 10 qof oo ku dhintay shil ka dhacay waddada xiriirisa Kisumu iyo Kakamega

0
177

Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 10 ruux ay ku geeriyoodeen shil abaare 6-dii maqribnimo ee shalay laga soo tabiyey waddada u dhexeysa ismaamullada Kisumu iyo Kakamega.
Shilka oo ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo kale ayaa ka dhacay buundada Iguhu ee webiga River Yala.
Tani ayaa timid ka dib markii uu darawalka xakameyn waayay booyad shidaal oo ku wajahnayd Kakamega taasi oo ku dhacday labo ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano Mataatuuda oo u socday dhanka Chavakali.
Dadka shilkaasi ku dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaallada Mbale iyo midka guud ee Kakamega iyadoo ay wararku sheegayaan in dhaawaca badankoodu ay xaaladdooda caafimaad liidato.