DHAGEYSO:Shacabka Mathira oo doonaya in ay xilka ka qaadaan xildhibaankooda

0
143

Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri ayaa billaabay geeddisocod ay xilka uga qaadayaan mudanaha baarlamaanka ku matalo Eric Wamumbi.
Waxay hadda ku guda jiraan uruurinta saxiixyo ay qorshahan u adeegsan doonaan.
Shacabka oo uu hor kacaya Samuel Ngari ayaa xildhibaanka ku eedeyay in uunan danahooda ka shaqeyn.
Waxay ku dhaliileen go’aankii uu ugu codeeyay mooshinkii xilka looga xayuubiyey madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua.
Sidoo kale waxay shacabka deegaanka Mathira sheegayaan in Eric uunan sameyn wax horumar ah oo muuqda tan iyo markii la doortay sanadkii 2022-kii.
Waxaa uu bartilmaameedkoodu yahay in ay uruuriyaan saxiixyada ugu yaraan boqolkiiba 30 ee codbixiyeyaasha ka diiwaangashan deegaankaasi oo u dhiganta 31,000 .
Qaar ka mid ah dadweynaha Mathira oo warbaahinta la wadaagay dareenkooda ayaa yiri.