Ciidamada booliiska ayaa gacanta ku dhigay nin ka dambeeyay dilka haweeneey 78 sano jir ahayd oo lagu dilay deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi.
Haweeneyda da’da oo maalmo la la’aa ayaa baaritaan dheeraad ah oo ay sameeyeen ciidamada booliiska ayaa meydkeeda laga soo saaray god ay ku jireen biyo wasakheysan.
Eedeysanaha loo xiray falkaN ayaa magaciisa lagu sheegay Victor Ambeyi.
Ninka dilka fuliyay ayaa horRaan u shaqeynayay haweeneydaasi ,iyadoona la sheegay in ay siinaysa lacag yar oo uusan ku qancin taasi oo keentay in uu ka takhaluso.
Taleefeeonkeeda gacanta oo uu ka qaatay eedeysanaha ayaa laga helay xaafadda Githurai 45 ka dib markii uu iibiyay.
Eedeysanaha ayaa lagu wadaa in maanta maxkamad la soo taago.