Elijah Wachira oo si ku meel gaar ah u hayay xilka madaxa fulinta ee caymiska caafimaadka bulshada ee SHA ayaa shaqada laga istaajiyay .
Waxaa la siiyay fasax qasab oo muddo 90 cishe ah si baaritaanno loogu sameeyo habdhaqankiisa iyo waxqabadkiisa.
Waxaa go’aankan soo saaray guddiga maamulo SHA oo hoosta ka xarriiqay in loo baahday in dabagal lagu sameeyo tallaabooyinkii uu qaaday Wachira intii uu jagadan hayay.
Robert Ingasira oo ahaa sii hayaha xilka agaasimaha adeegyada maaliyadeed ee caymiska SHA ayaa loo magacaabay madaxa fulinta ee nidaamkan wuxuuna shaqeyn doonaa muddo ku meel gaar ah.