Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar ku meel gaar ah oo lagu hakinaya geeddisocodka lagu shaqaaleysiinaya dhowr qof oo doonaya in ay noqdaan ku xigeenka xoghayaha guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.
Tani ayaa timid ka dib dacwad uu maxkamadda geeyay Victor Okoth.
Waxaa uu su’aal geliyay sharicyadda geeddisocodka howlgelinta.
Amarka maxkamadda waxaa soo saaray garsoore Bahati Mwamunye oo ka mid ah xaakinnada maxkamadda sare ee Milimani ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu garsooraha dhanka kale amray in dacwaddan lala wadaago guddiga PSC ugu dambeyn 13-ka bishan.
Guddiga adeegga dadweynaha ayaa dhankiisa laga doonaya inuu jawaabihiisa gudbiyo 29-ka bishan 11-aad.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda ay dacwaddan soo qaado 18-ka bisha 12-aad ee sanadkan.