Maxkamad ku taalla magaalada Nakuru ayaa meesha ka saartay dacwad ka dhan ahayd hoggaamiyihii hore ee kooxda Mungiki, Maina Njenga.
Maxkamadda ayaa tixgelisay codsi uga yimid waaxda dacwad oogidda waddanka kaas oo ahaa in kiiskan uunan sii socon.
Garsooraha sare ee maxkamadda Nakuru Kipkurui Kibellion oo xukunkan galabta soo saaray ayaa tilmaamay in aan la soo bandhigin caddeymo wax ku oo lagu sii wadi karo kiiskan.
Waaxda dacwad oogidda ayaa ku doodday in dacwaddan laga noqday, maadaama marqaatiyaasha oo gaaraya 20 aysan raali ka ahayn in maxkamadda la horkeeno, islamarkaana ay xiriir la leeyihiin eedeysanaha.
Maxkamadda ayaa sidoo kale amar ku bixisay in eedeysanayaasha oo kala ah Maina Njenga iyo 11 qof oo lala soo eedeeyay loo celiyay agabyadii damaanad ahaan looga qaaday.
Maina Njenga iyo shakhsiyaadka kale ayaa wajahayay dacwado la xiriira xubinnimada kooxda Mungiki oo horraan dalka laga mamnuucay iyo in ay galeen dambiyo abaabulan.