DHAGEYSO:Hal qof oo dhintay halka 35 qof ay ku dhaawacmeen baska shirkadda Ambasa oo shil ku galay deegaanka Tarbaj

0
494

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada hal qof halka 35 qof ay dhaawacmeen ka dib markii galabta uu shil galay baska shirkadda Ambasa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qofka dhintay ay ahayd haweeney ka mid ah rakaabkii baska saarnaa.
Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaalka weyn ee magaalada Wajeer, iyadoo mid ka mid ah xaaladdiisa ay liidata.
Waxaa uu baska ku gudoomay inta u dhexeyso deegaanka Tarbaj iyo magaalada Wajeer.
5 ka mid ah dadka dhaawacmay waxay ahaayeen carruur.
Baska ayaa saaka ka soo ambababxay magaalada Mandera, kuna soo wajahnaa caasimadda dalka ee Nairobi.
Waxaa khasaaraha shilka ka dhashay warbaahinta u faahfaahiyay agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee ismaamulka Wajeer.