Mudavadi oo musharraxnimada Raila Odinga ee xilka AUC oo maanta si rasmi ah ugu soo bandhigi doona magaalada Addis Ababa

0
499

Waxaa lagu wadaa galabta in magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya lagu soo bandhigo musharraxnimada Raila Amolo Odinga ee jagada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da.
Gelinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi iyo wafdi uu hoggaaminayay ay tageen magaalada Addis Ababa ahna xarunta dhexe ee AU.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madax wasiirrada dalka ayaa lagu sheegay in Mudavadi uu maanta guddoomin doono xaflad lagu soo bandhigayo musharraxnimada Kenya ee xilka AU, iyadoo ay goobjoog ka ahaan doonaan madaxda ergada diblomaasiyadeed ee Midowga Afrika.
Munaasabadda ayaa sidoo kale la filayaa in ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga Odinga uu soo bandhigo qorshaha uu doonayo in uu wax kaga beddelo qaaradda haddii uu ku guuleysto kursigan.
Dowladda Kenya ayaa musharraxnimada Raila Odinga ee jagada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ku soo bandhigtay magaalada Nairobi 27-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan.
Musharaxa guuleysanaya ayaa laga doonaya in uu helo ugu yaraan saddex meelood labo meel.
Waxaa kursiga AU Raila Odinga kula loolami doona ilaa saddex musharrax oo kala ah, Maxamuud Cali Yuusuf wasiiirka arrimaha dibadda ee dowladda Jabuuti, wasiirradii hore arrimaha dibadda ee waddamada Madagascar iyo Mauritius ee Richard Randriamandrato iyo Anil Gayan.
Doorashada kursiga AU ayaa la qaban doonaa bisha Labaad ee sanadka 2025-ka.
Haddii uu Raila jagadan ku guulaysto waxaa uu beddeli doonaa Moussa Faki Mahamat oo dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Chad.