Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa sheegtay in muddo 6 bilood ah oo ku ekeyd 30-kii bishii Sagaalaad ee sanadkan uu soo galay dhakhli dhan 28.1 bilyan oo shilin.
Waxay shirkaddu hoosta ka xarriiqday in dakhliga adeegyada ay bixiso uu kordhay boqolkiiba 12.9
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxa fulinta ee Safaricom Dr. Peter Ndegwa.
Waxaa uu intaasi ku daray in hadda gudaha dalka Itoobiya ay u adeegaan boqolkiiba 46 ee dadweynaha waddankaasi ku nool.