Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa maanta sheegay in dhigiisa Maraykanka Donald Trump laga doonaya inuu ka shaqeeyo sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen labadan dowladood.
Waxaa uu farriin hambalyo ah u diray Trump oo ku soo baxay loollankii madaxtinnimo ee kala dhexeeyay musharraxii xisbiga Dimuqraadiga Kamala Harris.
Xi Jinping ayaa intaasi ku daray in taariikhda ay xusaysa in Maraykanka iyo Shiinaha ay ka wada faa’iidaan iskaashiga oo uu wax u dhimo iska hor-imaadka.
Waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in xiriir xasilloon oo waara oo ka dhexeeya xukuumadaha Washington iyo Beijing uu yahay mid ay dani ugu wada jirto dowladahan sida ay ka rajeynaysa beesha caalamka.
Hoggaamiyaha Shiinaha ayaa soo jeediyay in labada dhinac ay xoojiyaan wada hadalka iyo wada xiriirka si loo maareeyo kala duwanaanshaha jira.