Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maamullada jaamacadaha ku boorriyay in ay xaqiijiyaan in xarumahan ay bixiyaan heerka ugu wanaagsan ee tacliinta sare.
Waxaa uu ku taliyay in jaamacadaha ay xoogga saaraan sidii ay ku haleeli lahaayeen hal-beegga ugu sarreeya ee dhanka tayada.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in sidoo kale ay lagama maarmaan tahay in aan la hilmaamin in ardayda laga soo dhiso dhanka habdhaqanka si loogu horseedo isbeddelka shakhsiyeed oo aynan keliya ku koobnaan shahaado la guddoonsiiyo.
Madaxweynaha waxaa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in aqoonta ay ardayda ka helayaan jaamacadaha ay noqoto mid la jaanqaadeysa horumarinta dhaqalaha iyadoo laga soo billaabaya meesha ugu hooseysa.