Mid ka mid ah wadayaasha mootada oo ku dhintay shil ka dhacay Narok

0
149

Waxaa la xaqiijiyay in mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka uu ku geeriyooday shil aroornimadii hore ee maanta laga soo tabiyay ismaamulka Narok.
Warbixinta booliiska ayaa muujinaysa in shilka oo u dhexeeyay dhugdhugleey iyo baabuur xamuul uu abaare 3-dii aroornimo ka dhacay aagga loo yaqaano Empopongi oo qiyaastii 8 kiilomitir dhanka bari uga beegan saldhigga booliiska ee bartamaha Narok.
Wadaha mootada ee shilka ku geeriyooday oo aan weli magaciisa la aqoonsan ayaa da’diisa lagu sheegay 30 sano.
Ciidamada ayaa intaasi ku daray in wadaha uu mootada xakameyn waayay taasi oo keentay in ay isku dhaceen baabuurka xamuulka oo ka yimid dhanka Maai Mahiu kuna soo wajahnaa Narok.