Guddiga qaran ee arrimaha xuquuqul aadanaha ee (KNHCR) ayaa u ololeynaya in la ciqaabo saraakiisha sare ee wasaaradda arrimaha gudaha ee waddanka iyo taliyaha guud ee ciidanka booliiska.
Waxaa uu guddigu doonaya in mas’uuliyiintan lagula xisaabtamo tacaddiyo iyo falal sharci darro ah oo dhacay xilligii ay dibadbaxyada sameynayeen dhallinyarada.
Warbixinta uu soo saaray guddiga KNHCR waxay muujinaysa in afartii bilood ee ugu dambeeyay la dilay 60 qof laga soo billaabo 18-kii bishii Lixaad ee sanadkan.
Sidoo kale , waxaa weli la la’yahay 26 ruux oo dheeraad ah.
Ciidamada ammaanka ayay xubnaha guddiga qaran ee xuquuqul insaanka ku eedeeyeen in aynan soo bandhigin macluumaadkan.
Warbixinta waxaa sidoo kale ku cad in guud ahaan dalka laga diiwaangeliyay in dibadbaxyadii dhacay lagu dhaawacay 601 qof.