Madaxweynaha dalka oo digniin u diray maamulayaasha dugsiyada

0
855

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maamulayaasha dugsiyada wadanka uga digay inay ardayda eryaan iyagoo ka dalbanaya bixinta qarashaadka waxbarashada.
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulayaasha laga doonayo inay tixgeliyaan culeyska dhaqaale ee haysta waalidiinta kaasoo uu sababay cudurka COVID-19 .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tallaabo sharciyeed laga qaadi doono macallinkii digniintan fududeysta.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii dowladda dhexe ay dugsiyada sare iyo kuwa hoose dhexe ay ku wareejisay ku dhawaad 20 bilyan oo shilin si loogu adeegsado maareynta howlaha waxbarashada.