Shacabka Maraykanka ayaa ka qayb qaadanaya doorasho ay ugu codeynayaan madaxweynaha xiga ee hoggaamin doono muddo afar sano ah.
Waxaa hoggaanka ugu sarreeya ee Maraykanka si wayn ugu loollamaya musharraxa xisbiga Jamhuuriga ahna madaxweynihii hore Donald Trump iyo madaxweyne ku xigeenka xukuumadda Washington ahna musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Kamala Harris .
Kamala Harris ayaa ballan qaadday in haddii ay ku guulaysato xilka madaxweynaha Maraykanka in ay hoos u dhigi doonto qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Khudbad ay ka jeedisay magaalada Philadelphia ee gobolka Pennsylvania ayay ku sheegtay in ay sameyn doonto isbeddel dhaqaale.