Kooxaha u ololeeya xuquuqul insaanka ee dalka Nigeria ayaa laamaha ammaanka ee waddankaasi ku boorriyay in la siidaayo carruur la xiray.
Tani ayaa timid ka dib markii carruurtan lagu eedeyay in ay ka qayb qaateen dibadbaxyo looga soo horjeeday sicir bararka nololeed ee ka jira Nigeria.
Dadka gacanta lagu dhigay ayaa ah 76 ruux oo 30 ka mid ah ay carruur yihiin.
Wakaaladda wararka ee AP-da ayaa ku warrramaysa in carruurtan ay da’doodu u dhexeyso 14 ilaa 17 sano.