Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in waxyeellada loo gaysto dumarka ay dhibaato wayn tahay sidaasi awgeedna ay dowladdu raasimaali dheeraad ah siin doonto ciidamada booliiska si ay falalkan ula tacaalaan.
Waxaa uu muwaadiniinta ku boorriyay in ay mas’uuliyad shakhsiyadeed iska saaraan xaqiijinta badqabka haweenka iyo gabdhaha.
Ruto ayaa arrin qalbi jab ah ku tilmaamay in haweenka iyo gabdhaha yaryar la dhibaateeyo halkii kalgacayl loo muujin lahaa.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu waaxda dambi baarista waddanka ee DCI-da ku amray in ay qaaddo tallaabooyin adag oo looga falcelinaya dilalka haweenka iyo gabdhaha .