Eedeysanaha ugu muhiimsan ee dilkii haweenka soomaaliyeed ee Islii oo la xiray

0
439

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa xaqiijisay in gacanta lagu soo dhigay eedeysane Haashim Dhaqane Muxumad oo lala xiriirinaya dilkii loo gaystay haweeney, gabadheeda iyo gabadh ay habaryar u ahayd oo soomaali ah.
Tani ayaa timid ka dib baaritaan qoto dheer oo lagu sameeyay dhacdadaasi naxdinta leh iyo dabagal lagu hayay tuhmanaha.
Haashim oo laga soo saaray goob uu ku dhuumaaleysanayay oo ku taalla deegaanka Starehe ee ismaamulka Nairobi ayaa hadda ku jiro saldhig booliis.
Waxaa uu qorshuhu yahay in berri uu ka soo hormuuqdo maxkamadda Makadara.
DCI ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay xaqiijinta sidii ay cadaalad ku heli lahaayeen dhiibbanayaasha iyo qoysaskooda murugaysan.