Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 14 qof halka 34 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii biriq ama jac ay ku dhacday kaniisad ku taalla degmada Lamwo ee waqooyiga dalka Uganda.
Afhayeenka booliiska dalka Uganda Kituuma Rusoke ayaa sheegay in dhacdadan la soo tabiyay abbaare 5:30 galabnimo ee shalay.
Waxay kaniisaddu ku taalla xerada qaxootiga ee Palabek ee waqooyiga waddanka Uganda.
Bishii Siddeedaad ee sanadkii 2020-kii ayaa ahayd markii 10 carruur ah ay biriq ku dishay waqooyi galbeed ee magaalada Arua ee dalka Uganda.