Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee xisbiga ODM ayaa gaashaanka u daruuray hindise sharciyeed uu soo saaray senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei.
Hindisahan ayaa ku saabsan in muddo xileedka loo kordhiyo madaxweynaha iyo madaxda kale ee la soo doorto.
Samson Cherargei ayaa doonaya in muddo xileedka hoggaamiyaashan oo hadda ah Shan sano in laga dhigo Toddobo sano.
Hasa ahaate, barasaabka ismaamulka Siaya James Orengo, senatarka dowlad deegaanka Vihiga Godfrey Osotsi iyo xubno ka tirsan baarlamaanka dalka ayaa sheegay in hindisahan aysan taageersaneen.
Waxaa ay xuseen in hindisahan uu ka soo horjeeda rabitaanka dadweynaha.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Siyaasiyiinta ODM oo ka soo horjeestay in madaxda la soo doorto muddada...