Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa ugu baaqay madaxweynaha waddanka William Ruto inuu dib u habeyn ku sameeyo siyaasaddiisa, si uu uga dhabeeyo ballanqaadyadii uu sameeyay xilligii ololaha doorashada.
Xilli uu maanta ka qayb galay aas ka dhacay deegaanka Kabare ee ismaamulka Kirinyaga ayuu Gachagua xusay inuusan wax dhib ah ku qabin madaxweynaha dalka.
Waxaa uu intaasi ku daray in madaxweynaha fursad la siiyo , si saddexda sano ee u hartay uu u fuliyo ballanqaadyada uu u sameeyay kenyaanka.
Waxaa uu xusay in sida degdegga ah ee xilka looga qaaday ay tahay in sidaasi loo adeegsado fulinta ballanqaadyada ay dowaladda u sameysay kenyaanka.
Gachagua ayaa dhanka kale shacabka gobolka bartamaha dalka ka codsaday in ay isku duubnaadaan oo aan la kala qaybinin.
Waxaa uu sidoo kale ku boorriyay madaxda deegaanka in aysan ka daalin la dagaalanka Khamriga sharci darrada ah.