Maxkamadda Supreme Court oo laashay go’aan ka dhan ahaa xeerkii maaliyadda ee 2023

0
359

Maxkamadda ugu sarreysa waddanka ee Supreme Court ayaa laashay go’aankii ay maxkamadda racfaanka ay sharci darro ku tilmaantay xeerkii maaliyadda ee sanadkii hore ee Finance Act 2023.
Waxaa go’aankan soo saaray toddobada garsoore ee maxkamadda sare ee Supreme Court.
Garsoorayaasha ayaa sheegay inuusan jirin sharci maamulaya ka qaybgalka dadweynaaha
Waxaa garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreysa dalka oo ay hoggaamineyso madaxa cadaaladda ee waddanka Martha Koome ay sheegeen in ka qaybgalka dadweynaha ee xeerkii maaliyadda ee sanadkii hore si sharci ah loo maray.
Tani ayaa waxay guul weyn u tahay maamulka madaxweyne William Ruto, iyadoo kenyaanka ay bixin doonaan canshuur dheeraad ah.
Xeerkan maaliyadda, waxyaabaha ku xusan waxaa ka mid ah, in shaqaalaha iyo xarumaha ay ka shaqeeyaan lago jaro boqolkiiba 1.5 ee mushaarka si lacagtan loogu biiriyo barnaamijka ay dowladda ku dhisaysa guriyo tayeysan oo qiimo ahaan la awoodi karo.
Waxaa sidoo kale xeerkan ku xusan in canshuurta badeecooyinka sida batroolka iyo adeegyada ee VAT laga dhigo boqolkiiba 16.
31-dii bishii Toddobaad ee sanadkan ayay ahayd markii maxkamadda racfaanka ee dalka ay sharci darro ku tilmaantay xeerkii maaliyadda ee sanadkii hore ee Finance Act 2023 taas oo shalay maxkamadda Supreme Court laashay.
Dhawaan ayay ahayd markii sidoo kale maxkamadda sare ay sharci ku tilmaantay canshuurta guriyeynta ee Housiga Levy.