Kiisaska xatooyada ee imtixaannada oo lala tiigsan doono maxkamadda

0
211

Dowladda sare ayaa shaaca ka qaadday in kiisaska khiyaannada ee la xiriira imtixaannada shahaaddiga ah lagu xallin doono maxkamado gaar ah.
Waxaa sidatan sheegay wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Ogamba .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maanta guud ahaan dalka uu ka billowday imtixaannada fasalka 6-aad ee KPSEA.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in la qiyaasay meelaha ay u badan tahay in wax isdaba marinta dhanka imtixaanaadka ay ka dhacaan si tallaabooyinka ku habboon loo qaado.