40 qof oo qof oo ku dhaawacmay shil ka dhacay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil

0
452

Waxaa lagu soo warramayaa in gaari xamuul ah uu jiiray dad ku sugnaa goob basaska laga raaco oo ku taalla waqooyiga magaalada Tel Aviv ee dalka Israa’iil.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shilkan ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 40 qof iyadoo 10 ka mid ah ay aad xaaladdooda u liidato, sida ay saraakiishu sheegeen.
Shilkan oo saaka dhacay ayaa laga soo tabiyay goob basaska laga raaco oo u dhow saldhigga ciidamada Israa’iil ee Gillot.
Shaqaalaha samatabbixinta ayaa sheegeen in dhowr qof ay ku hoos jiraan gaariga xamuulka ah.
Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dhowr qof oo ku hoos jira gaariga xamuulka.
Booliiska ayaa xiray goobta uu shilka ka dhacay.
Shabakadda wararka ee Jerusalem Post oo soo xiganeysa booliiska ayaa sheegtay in dad rayid ah oo goobta ku sugnaa ay rasaas ku fureen darawalka gaariga si ay u joojiyaan.
Warbaahinta Aljazeera ayaa ku warrantay in darawalka gaariga xamuulka la rumeysan yahay inuu yahay muwaadin Falastiini ah oo ka yimid waqooyiga Tel Aviv.