U diyaargarowga imtixaannada KPSEA iyo KCSE oo la soo gabagabeeyay iyadoo ay berri si rasmi u billaabanayaan

0
333

Waxaa uu qorshuhu yahay in berri ay si rasmi ah guud ahaan dalka uga billowdaan imtixaannada qaran ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE.
Sidoo kale waxaa berri si rasmi ah u billaabanaya imtixaannada qaran ee ardayda heerka 6-aad ee dugsiga hoose dhexe ee KPSEA, kaas oo socon doona muddo 3 cisho ah.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda tacliinta ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa xaqiijiyay in dhammaan u diyaargarowga iyo qorshaha imtixaannada qaran shahaadiga ah ee KCSE iyo KPSEA la soo gabagabeeyay islamarkaana ay berri billaabanayaan.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in xarumaha imtixaannada KPSEA lagu sameynaya aysan joogi doonin saraakiil hubeysan, si ardayda loo siiyo jawi deggan intii suurtagal ah.
Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in macallimiinta ay kormeeri doonaan imtixaannada KPSEA.
Dr. Belio Kipsang ayaa xusay inay si dhow ula shaqeyn doonaan saraakiisha wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran si loo hubiyo in imtixaannada ay u dhacaan si habsami leh iyo jawi ammaan ah oo aan wax khalad ah dhicin.
Sanadkan waxaa imtixaanka KPSEA sameynaya arday tiro ahaan ka badan 1.3 miyan, halka KCSE ay u fadhiisanayaan 965,000.