Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa difaacay iskaashi ku kacaya dhaqaale dhan 95 bilyan oo shilin oo ay dowladda Kenya la gashay shirkadda Adani ee laga leeyahay waddanka India.
Waxaa uu sheegay in iskaashigan uu horumarinaya adeegga korontada ee dalka.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in iskaashigan uu sidoo kale qayb ka yahay adeegga gudbinta korontada ee muhiimka ah ee 30-ka sano soo socda.
Madaxweyne William Ruto ayaa carrabka ku dhuftay in wadashaqeynta shirkadda Adani iyo dowladda ay door ka qaadaneyso in la helo deyn dheeraad ah ama kordhinta canshuuraha.
William Ruto ayaa ku nuuxnuuxsaday in iskaashiga dowladda iyo nidaamka maalgashiga ee waaxyaha gaarka ah ee loo yaqaano (PIP) uu lagama maarmaan u yahay in la gaaro horumarro la taaban karo.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay horumarka laga gaaray waddada weyn ee Nairobi Expressway.