Dacwadda uu Gachagua uga soo horjeedo xil ka qaadistii lagu sameeyay oo aan wali billaabanin

0
212

Maxkamadda sare ee dalka ayaa galabta go’aamin doonta in ku xigeenka madaxa cadaaladda ee waddanka Philomena Mwilu ay awood u lahayd inay soo magacowdo guddi ka kooban saddex garsoorayaal ah si ay u dhageystaan dacwad looga soo horjeedo xil ka qaadistii uu baarlamaanka ku sameeyay Rigathi Gachagua taasi oo uu ayiday aqalka sare.
Qareennada matalaya madaxweyne ku xigeenka xilka laga qaaday Rigathi Gachagua ayaa ku doodeen in kaliya madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ay awood u lahayd inay soo magacowdo garsoorayaasha dhageysan karo dacwaddan.
Waxay qareennada Gachagua sheegeen in saddexda garsoorayaal oo ay soo magacowday Philomena Mwilu laga filaneenin inay soo saaraan go’aan cadaalad ah.
Garsoore Eric Ogola oo hoggaaminayo saddexda garsoorayaal ayaa sheegay in ay maanta soo saari doonaan tallaabada xigta ee kiiska Gachagua.
Waxaa ilaa iyo hadda si rasmi ah u billaabanin dhageysiga dacwadda uu Gachagua uga soo horjeedo xil ka qaadistii lagu sameeyay.