15 qof oo lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ka gaysteen Beit Lahiya

0
365

Ciidamada militeriga ee Israa’iil ayaa weerar diyaaradeed ku qaaday goob ay ku sugnayeen shacab Falastiiniyiin ah oo ku taalla magaalada Beit Lahiya ee Waqooyiga Qaza.
Waxaa weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan 15 qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa.
Haween iyo carruur ayaa ka mid ah dadka dhintay, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, waxaa weerarrada militari ee ay weli Israa’iil ka wado gudaha Qaza lagu dilay ugu yaraan 42,603 ruux iyadoo la dhaawacay 99,795 kale.