Mudavadi oo shir uga qayb galaya Samoa

0
348

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi oo Kenya matalaya ayaa ka qayb geli doono shir ay waddamada barwaaqa sooranka ah ee Commonwealth ay inta u dhexeysa 21-ka ilaa 26-ka bishan Tobnaad ku yeelanayaan caasimadda dalka Samoa ee Apia.
Kulankan ayaa ah midkii 27-aad ee u qabsoomaya madaxda dowladaha dalalkan.
Waxaa uu Mudavadi shirkaasi ku soo bandhigi doonaa guulaha ay Kenya ka gaartay la tacaalidda shaqaaqooyinka jinsiyadeed.
Sidoo kale waxaa uu caalamka la wadaagi doonaa dadaallada ay Kenya ku bixinaysa in la daboolo gaabadka dhanka sinnaanta jinsiyadeed iyo awoodsiinta haweenka.
Waxaa uu sharrixi doonaa xeerarka iyo siyaasadaha dadka qabo baahiyaha gaarka ah looga qayb gelinaya howlaha ururrada rayidka.