Wasiirkii hore ee wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee dalka Mithika Linturi ayaa madaxweyne ku xigeenka magacaaban Prof. Kithure Kindiki kula taliyey inuu heshiis qoraal ah la galo madaxweyne William Ruto.
Xilli uu hadal ka jeedinayay ismaamulka Meru ayuu Linturi sheegay in isaga iyo Rigathi Gachagua ay ku qaldameen in aynan heshiis rasmi ah la gelin madaxweynaha.
Waxaa uu xusay in taasi uu hadda ka qoomameynaya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in mar kasta oo la sameynaya wada xaajoodyo iyo isbeheysiyo siyaasadeed ay lagama maarmaan tahay in la wada saxiixdo is-afgarad qaabeysan oo cid kasta laga doonaya in ay u hoggaansanto.