Xisbiga ODM ayaa sheegay in uusan ku biirin dowladda sidoo kalena uusan heshiis isbeheysi ah la sameynin isbeheysiga talada waddanka haya ee Kenya Kwanza.
Guddoomiyaha xisbiga ODM ahna barasaabka ismaamulka Homa Bay Gladys Wanga, ayaa hoosta ka xarriiqday in uunan jirin heshiis dhexmaray ODM iyo maamulka waddanka hoggaamiya ee Kenya Kwanza oo lagu soo dhisaya isbeheysi dowladeed.
Waxay ku nuuxnuuxsatay in ay xoogga saarayaan xoojinta heerarka kala duwan ee xisbiga ODM.
Gladys Wanga ayaa u xaqiijisay xubnaha xisbiga ODM in uu soo saari doono musharrax madaxweyne ee doorashada guud ee sanadka 2027-ka.
Barasaabka ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariff Nassir, ayaa dhankiisa ku celceliyay in xisbiga uu si madax banaan u maareeyo arrimihiisa.