Madaxweynaha dalka oo ku bogaadiyey bangiyada maxalliga taageeradooda kobaca dhaqaalaha waddanka

0
212

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku ammaanay bangiyada maxalliga ah doorka ay ka qaadanayaan kor u qaadista kobaca ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe ee (MSMEs).
Waxaa uu sheegay in bangiyada maxalliga ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay ballaarinta deymaha la siinayo qaybaha ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale bangiyada maxalliga ku ammaanay in sanadkii hore canshuurta dalka ku biiriyeen dhaqaale dhan 190 bilyan oo shilin, taasoo uu tilmaamay inay ka tarjumaysa waxqabadkooda wanaagsan.
Waxaa uu rajo ka muujiyay in taageerrada bangiyada ay fududayn doonto in ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe ay horumaraan.
Madaxweynaha dalka ayaa ballan qaaday in dowladda ay bangiyada maxalliga ku taageeri doonta waxyaabaha ay uga baahdaan dowaladda.