Golaha KNEC oo soo saaray jadwalka imtixaanka ee KPSEA

0
91

Golaha imtixaannada qaran ee KNEC ayaa si rasmi ah u shaaciyey jadwalka imtixaanka ardayda fasalka 6-aad ee dugsiga hoose dhexe ee (KPSEA).
Qiimeyntan ayaa qayb muhiim ka ah manhajka waxbarasho ee (CBC) .
Imtixaanka KPSEA ayaa lagu ogaadaa sida ay ardayda u fahmeen aqoonta xirfadeed ee la baray ee maadooyinka kala duwan si daneeyayaasha tacliinta ay u soo bandhigaan dhinacyada u baahan in la sii wanaajiyo.
Jadwalka uu soo saaray golaha KNEC waxaa ku cad in ardayda sanadkan u fadhiisanaya imtixaanka fasalka 6-aad ee dugsiga hoose dhexe ee KPSEA ay diyaar garowga ugu dambeeya sameyn doonaan 25-ka bishan Tobnaad iyadoo imtixaanka uu socon doono laga billaabo 28-ka ilaa 30-ka bishan.
KNEC ayaa hoosta ka xarriiqday in ardayda ay su’aallaha maaddo kasta uga jawaabi doonaan muddada loogu talagalay oo aan waqtiga loo kordhin doonin.
Sido kale, lama oggolo in ardayda ay ka baxaan fasallada imtixaanka lagu sameynaya inta aan maadadaasi laga gudbin marka laga reebo fasax gaar ah oo uu siin karo kormeeraha.
Golaha ayaa sidoo kale ardayda uga digay in ay sameeyaan ama isku dayaan khiyaano.