Aqalka sare oo maanta yeelanaya kal-fadhi ku saabsan xil ka qaadistii Gachagua

0
136

Senatarrada aqalka sare ee dalka ayaa maanta billaabi doona dhageysiga tallaabadii ay dhawaan xildhibaanada baarlamaanka xilka uga xayuubiyeen madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Waxay senatarrada dhageysan doonaan mooshinkii xilka looga qaaday hoggaamiyaha labaad ee waddanka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii 282 ka mid ah xildhibaanada golaha qaran ee xeer dejinta ay codkooda ku taageereen mooshinka xilka looga qaaday Gachagua ka dib markii ay ku eedeyeen ku xadgudubka dastuurka.
Dhanka kale, maxkamadda sare ee dalka ayaa saacadaha soo socda soo saari doonta go’aan ku saabsan in aqalka sare uu sii wadi karo ka doodista iyo go’aan ka gaarista xil ka qaadistii ay xildhibaanada golaha qaran ee xeer dejinta ay ku sameeyeen madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Saddex garsoore oo ka tirsan maxkamadda sare ayaa la filaya in saaka go’aan ka soo saaraan arrinkan.
Kooxda sharciga ee Gachagua oo ay hogaaminayaan garyaqaan sare Paul Muite iyo qareen Tom Macharia ayaa ku dooday in habka xil ka qaadistii Gachagua ay ahayd mid siyaasadeed.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa la filayaa inuu wajaho aqalka sare si uu isaga difaaci 11 eedeymo ay xildhibaanada baarlamaanka xilka uga qaadeen.