DHAGEYSO:Booliiska Nakuru oo xiray labo tuhmane oo iibinayay sunta cayayaanka oo been abuur ah

0
210

Saraakiisha ammaanka ee magaalada Nakuru oo kaashanaya guddiga xakamaynta sunta cayayaanka ee PCPB ayaa gacanta ku dhigay labo tuhmane.
Tuhmanayaasha ayaa la rumaysan yahay in ay qaybinayeen daawada sunta cayayaanka oo been abuur ah.
Agaasimaha guddiga xakamaynta sunta cayayaanka ee PCPB laanteeda koonfurta gobolka Rift Valley Adams Obonyo ayaa beeralayda uga digay inay iibsadaan badeecooyinka been abuurka ah.