DHAGEYSO:Barasaab ku xigeenka Machakos oo sheegay in adeegyadii caafimaadka ee ismaamulkaasi ay dhaqaalo la’aan u curyaameen

0
479

Barasaab ku xigeenka ismaamulka Machakos Francis Mwangangi ayaa sheegay in culeysyo maaliyadeed ay soo foodsaaray dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu qiray in dowladda ismaamulkaasi ay ku adkaatay bixinta lacagaha dhakhaatiirta caafimaadka ee dowlad deegaankaasi.
Guddoomiye ku xigeenka Machakos ayaa xusay in xaaladdu ay ka sii dari karto haddii aysan wasaaradda maaliyadda soo fasixin lacagaha ismaaamullada.
Waxaa uu wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka ku eedeyay inay ku guuldareystay bixinta lacagaha ismaamullada afartii bilood ee ugu dambeysay.
Francis Mwangangi ayaa xusay in adeegyadii laga bixinayay xarumaha caafimaadka ee ismaamulka Machakos ay curyameen maadaama dhakhaatiirta dowlad deegaankaasi ay shaqo joojin kuguda jiraan.