Golaha CoG oo cambaareeyay xarigga barasaabka ismaamulka Tana River

0
328

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada waddanka ee (CoG) ayaa cambaareeyay xarigga guddoomiyaha dowlad deegaanka Tana River Dhado Godana.
Waxay xarigga guddoomiyaha ismaamulka Tana River ku tilmaameen mid lagu wiiqayo xuquuqdiisa.
Golaha CoG ayaa ku nuuxnuuxsaday in barasaabyada ismaamullada ay yihiin hoggaamiyeyaal la soo doortay, islamarkaana ay tahay in xariggooda waddo sharci ah loo maro.
Guddoomiyaha cusub ee golaha CoG ahna barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullaahi ayaa sheegay in waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da looga baahnaa in ay u hoggaansanto borotokoollada la dejiyay.
Waxaa uu sheegay in golaha CoG uu la shaqeyn doono wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran, si loo sameeyo tillaabooyin iskaashi oo wanaagsan oo looga hortagayo dhacdooyinkan oo kale mustaqbalka.
Shalay ayay ahayd markii la xiray barasaabka ismaamulka Tana River, Dhado Godana iyo xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Galole, Saciid Hiribae.
Mas’uuliyiintan ayaa lala xiriirinaya rabshadaha dagaal beeleedyada ee saameeyay qaybo ka mid ah dowlad deegaankaasi, islamarkaana ay ku dhinteen ugu yaraan 18 qof.