Duufaan xooggan oo halis ah oo ku soo wajahan gobol ka tirsan Maraykanka

0
546

Waxaa lagu soo warramayaa in in ka badan hal milyan oo qof lagu amray inay qaxaan, ka hor inta aysan duufaanta xooggan ee Hurricane Milton ku dhufan gobolka Florida ee dalka Maraykanka.
Duufaantan oo la saadaaliyay inay noqon doonto tii ugu xumayd muddo qarni ah, ayaa imaanaysa in ka yar labo toddobaad ka dib duufaantii waxyeellada gaysatay ee Helene ay ku dhufatay gobolka Florida.
Khubarrada saadaasha hawada ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay duufaantii dhawaan dhacday ay keeni karto in aaggaasi uu noqdo mid u nugul duufaantan oo tii hore ka sii weyn.
Dufaanta Milton waa mid aad u baaxad weyn taas oo uu xawaaraheedu gaaraya ama dabeylaha 270 kiilomitir saacaddiiba.
Waxaa la filayaa in ay si buuxda ugu dhufato habeenka Arbacada ee wakhtiga maxalliga ee Maraykanka, wax ka yar labo toddobaad ka dib markii ay gobolka Florida ku dhufatay duufaantii Helene.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa uga digay dadka ku nool gobolka Florida inay ka baxaan guryahooda, isagoo sheegay in tani ay tahay arrin ku saabsan nolol iyo geeri.