Ammaanka ismaamulka Tana River oo la adkeeyay

0
440

Adeegga qaran ee booliiska ee (NPS) ayaa ciidamo dheeraad ah geeyay ismaamulka Tana River ka dib iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac.
Bayaan uu soo saaraya taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ayuu ku sheegay in baaritaanada horudhaca ah ay muujinayaan in iska horimaadku uu ka dhashay xiisad u dhexeysa labo beelood oo ku muransan maamulida goob biyo ah.
Iska hor imaadyada oo ay ku dhinteen 9 qof iyo dhaawaca tiro kale ayaa laga soo tabiyay aaga Caanoole oo ka tirsan oo deegaanka hoose ee Bangal ee ismaamulka Tana River.
Taliyaha booliiska dalka ayaa sheegay in sare loo qaaday howlgallada amni ee goobaha isku dhacyada laga soo tabiyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in kooxo amni oo iskudhaf ah oo isugu jira booliis iyo militeri la geeyay goobahaasi, halka saraakiil ka tirsan waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay billaabeen baaritaanno lagu doonaya in gacanta lagu soo dhigo shakhsiyaadka qaybta ka ah rasbshadihii dhacay.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ayaa dadka deegaanka ku boorriyay inay nabadda ku dadaalaan islamarkaana ay la shaqeeyaan laamaaha ammaanka.