Gachagua: Madaxweynaha ayaa aqbalay mooshinka la doonaya in xilka la igaga xayuubiya

0
209

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa ku andacooday in madaxweyne William Ruto uu aqbalay mooshinka isaga ka dhanka ah.
Xilli uu xalay qaranka kula hadlay hooygiisa rasmiga ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ayuu sheegay in golaha qaran ee xeer dejinta aan la horgeyn lahayn qorshaha xilka looga qaadaya haddii uusan madaxweynaha taageerin.
Waxaa uu ka gaabsaday inuu sii faahfaahiyo eedeymaha loo soo jeediyay, isagoo caddeeyay in si qoto dheer ah uu galabta aqalka baarlamaanka isaga difaaci doono eedeymahan.
Madaxweynaha ku xigeenka dalka ayaa xusay in Kenyaanka ay so doorteen islamarkaana aysan soo xulan siyaasiyiin, sidaas darteedna uu ku adkeysan doona u adeegidda shacabka.