Axmad Cabdullaahi (Jiir) oo loo doortay xilka guddoomiyaha golaha CoG

0
138

Barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullaahi (Jiir) ayaa loo doortay guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada dowlad deegaannada wadanka ee CoG.
Doorashada ayaa ahayd mid lagu buuxinayay xilalka golaha fulinta .
Waxaa Axmad lala doortay barasaabka ismaamulka Nyeri Mutahi Kahiga oo noqnaya guddoomiye ku xigeenka golaha barasaabyada.
Barasaabka ismaamulka Tharaka Nithi, Muthomi Njuki ayaa si ahaan doona guddoomiyaha guddiga arrimaha caafimaadka ee golaha CoG.
Guddoomiyaha cusub ee CoG ee maanta la doortay ayaa waxyaabaha laga doonaya inuu diiradda saara waxaa ka mid ah sidii kheyraadka dowladda dhexe loo gaarsiin lahaa dhammaan shaqooyinka la daadajiyay ee ismaamullada.
Waxaa guddoomiyaha cusub ee CoG la tartamay barasaabka Nyeri Mutahi Kahiga dhigiisa Tharaka Nithi Muthomi Njuki, Joseph Ole Lenku (Kajiado) iyo barasaabka Nairobi Johnson Sakaja.
Barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru oo xilkan muddo labo sano haysay ayaa lagu wadaa inay khudbad jeediso.