9 qof oo dhaawacmay ka dib markii gaari nooca gadiidka dadweynaha oo ku dhacay badweynta Indian Ocean

0
159

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka ayaa sheegaya in saaka uu mid ka mid ah baabuurta gadiidka dadweynaha uu ku dhacay badweynta Indian Ocean.
Tani ayaa timid ka dib markii darawalka uu lumiyay xakameynta baabuurka xilli uu isku dayay inuu ka gudbo marinka Likoni.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross Society ayaa laga soo xigtay in shilkan ay ku dhaawacmeen 9 qof, iyadoo 7 ruux oo dadkan ka mid ah goobta dhacdada laga soo tabiyay lagu dabiibay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 3 qof oo dadka dhaawacmay ka mid ah loo qaaday xarumaha caafimaadka
Dhacdadan ayaa sababtay ciriiri xooggan oo isku socodka baabuurta ah iyo dadweynaha.
Baska ku dhacay badweynta Indian Ocean oo ah nooca gadiidka dadweynaha ayaa laga soo saaray goobtaasi iyadoo xaaladdu sida caadiga ahayd ku soo laabatay.