Marsabit: Dowladda oo kordhisay amarrada goobo loo aqoonsaday in falal amni darro ay ka dhaceen

0
182

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa kordhiyay amarrada 13 goobood oo ka tirsan ismaamulka Marsabit kuwaas loo aqoonsaday aagag halis ah oo falal amni darro laga soo tabiyay.
Waxaa uu sheegay in muddo 30 maalmood oo dheeraad ah lagu kordhiyay howlgallada amni ee ka socdo goobahaasi.
13-ka goobood ee howlgallada amni laga wada ayaa waxay hoostagaan deegaanka hoose ee Dabel ee ismaamulka Marsabit.
Dhanka kale, taliyaha guud ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ayaa soo saaray amar mamnuucaya in goobaha howlgallada ka socdaan hub lagu dhex haysto.
Waxaa uu sidoo kale amray in dhammaan dadka hubka sharci darrada ku dhex haysato 13-ka goobood ay saldhigga ugu dhow ay hubkaasi ku wareejiyaan.