DHAGEYSO:Barasaabka Mombasa oo qoray warbixin ku saabsan afduub iyo faraxumeyn loo gaystay mid ka mid ah shakhsiyaadka wax ku qoro baraha bulshada

0
172

Barasaabka ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Nassir ayaa tegay xarunta dhexe ee booliiska ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu qoray warbixin ku saabsan afduub, jirdil iyo faraxumeyn loo gaystay mid ka mid ah shakhsiyaadka baraha bulshada wax ku qoro.
Guddoomiyaha Mombasa oo la hadlay warbaahinta ayaa ku boorriyay booliiska in ay dardargeliyaan baaritaanada ku aadan dhacdadan oo ku tilmaamay mid bini’aadantinimada ka baxsan.
Dhibbanaha oo lagu magacaabo Bruce John Kajira ayaa ku andacooday in 12-kii bishii hore ay koox ka kooban 20 qof ay ka afduubteen hooygiisa oo ku yaalla deegaanka Bamburi ee ismaamulka Mombasa.
Bruce ayaa ka hor inta aan dhibaatada loo gaysan dhaliilo u jeedin jiray barasaabka Mombasa.
Waxaa uu xusay in shakhsiyaadka dhibaatada u gaystay u soo adeegsaday guddoomiyaha dowlad deegaanka Mombasa.
Hasa ahaate guddoomiyaha ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Nassir ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo jeediyay.
Waxaa uu xusay in cidna aysan ka sarreyn sharciga, islamarkaana ay tahay in falkaasi la cambaareeyo.
Cabdulswamad ayaa waaxda dambi baarista ee DCI-da ka codsaday inay dardargeliso baaritaanada si dhibbanaha uu u helo cadaalad.

Waxaa ilaa iyo hadda falkan maxkamad loo soo taagay afar qof oo eedeysanayaal ah, islamarkaana ay haatan socdaan baaritaano dheeraad ah.